Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 11:5-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Markaasaa dadkii Yebuus degganaa waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, Adigu halkan soo geli maysid. Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.

6. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Ku alla kii marka hore reer Yebuus laayaa wuxuu noqon doonaa madax iyo sirkaal. Oo waxaa markii hore baxay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo isagii ayaa waxaa laga dhigay madax.

7. Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.

8. Oo wuxuu dhisay magaalada hareeraheedii, iyo tan iyo Millo wareeggeeda. Oo Yoo'aabna wuxuu cusboonaysiiyey magaalada inteedii kale.

9. Oo Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay, waayo, waxaa isaga la jiray Rabbigii ciidammada.

10. Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.

11. Oo tanuna waa tiradii raggii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yaashaabcaam oo ahaa reer Xakmoonii oo ahaa ka ugu horreeya soddonka, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, oo isku mar buuna laayay.

12. Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Doodoo, oo ahaa reer Axoo'ax, oo isna wuxuu ahaa saddexdii nin oo xoogga badnaa midkood.

13. Oo isagu wuxuu Daa'uud la joogay Fasdammiim, oo halkaasna waxaa dagaal ugu soo ururay reer Falastiin, meeshaas oo ahayd dhul beero ah oo shaciir ka buuxo, oo dadkiina way ka carareen reer Falastiin hortooda.

14. Oo beertii bay isdhex taageen oo daafaceen, wayna laayeen reer Falastiin, oo Rabbiguna wuxuu iyagii ku badbaadiyey guul weyn.

15. Oo soddonkii ugu horreeyey saddex ka mid ah ayaa hoos ugu dhaadhacay dhagixii weynaa ee Daa'uud joogay, oo waxay galeen godkii Cadullaam, oo ciidankii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim.

16. Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayskii, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.

17. Oo Daa'uudna intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam, ee iridda ku ag yaal!

18. Markaasaa saddexdii ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse Daa'uud wuu diiday inuu cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.

19. Oo wuxuu yidhi, Anigu inaan saas yeelo Ilaahaygu ha ii diido, ma waxaan cabbaa dhiiggii nimankan naftooda biimeeyey? Waayo, iyagu biyahan waxay ku keeneen naftoodii oo halis ku jirta. Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 11