Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 11:3-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.

4. Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Yeruusaalem (taasoo ah Yebuus), oo halkaasna waxaa joogay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Yebuus.

5. Markaasaa dadkii Yebuus degganaa waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, Adigu halkan soo geli maysid. Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.

6. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Ku alla kii marka hore reer Yebuus laayaa wuxuu noqon doonaa madax iyo sirkaal. Oo waxaa markii hore baxay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo isagii ayaa waxaa laga dhigay madax.

7. Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.

8. Oo wuxuu dhisay magaalada hareeraheedii, iyo tan iyo Millo wareeggeeda. Oo Yoo'aabna wuxuu cusboonaysiiyey magaalada inteedii kale.

9. Oo Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay, waayo, waxaa isaga la jiray Rabbigii ciidammada.

10. Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 11