Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 5:5-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. (oo anna markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo isaguna wuxuu yidhi,

6. Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.

7. Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

8. Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

9. Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

10. oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.

11. Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

12. Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.

13. Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

14. laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.

15. Oo waa inaad xusuusataa inaad addoon ku ahaan jirtay dalka Masar, oo Rabbiga Ilaahaaga ahu uu halkaas kaaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, oo sidaas daraaddeed Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu kugu amray inaad dhawrto maalinta sabtida.

16. Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.

17. Waa inaadan qudh gooyn.

18. Oo waa inaadan sinaysan.

19. Oo waa inaadan waxba xadin.

20. Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 5