Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 27:9-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Markaasaa Muuse iyo wadaaddadii reer Laawi waxay la hadleen reer binu Israa'iil, oo waxay ku yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, aamusa oo dhegaysta. Maanta waxaad noqoteen dadkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

10. Haddaba waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.

11. Oo isla maalintaas Muuse wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi,

12. Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.

13. Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Daan, iyo reer Naftaalina waa inay Buur Ceebaal habaar isla taagaan.

14. Oo markaas reer Laawi waa inay jawaabaan oo dadka reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ku yidhaahdaan,

15. Inkaaru ha ku dhacdo ninkii sameeya oo meel qarsoon qotonsada sanam xardhan ama la shubay oo Rabbiga karaahiyo u ah oo ah wax nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey. Oo dadka oo dhammuna ha u jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Aamiin.

16. Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

17. Inkaaru ha ku dhacdo kii soohdinta deriskiisa durkiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

18. Inkaaru ha ku dhacdo kii qof indha la' jidka ka habaabiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

19. Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

20. Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda naagtii aabbihiis, maxaa yeelay, aabbihiis buu maradii ka banneeyey. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 27