Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 22:17-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. oo bal eega, wuxuu ka soo sheegay waxyaalo ceeb ah, oo wuxuu yidhi, Gabadhaada kama aanan helin calaamadihii bikradnimada, iyadoo calaamadihii bikradnimadeedu ay kuwan yihiin. Oo iyana dharka ha ku kala bixiyeen odayaasha magaalada hortooda.

18. Oo markaas odayaasha magaaladaasu waa inay ninka qabtaan oo ay edbiyaan,

19. oo weliba waa inay ku ganaaxaan boqol sheqel oo lacag ah oo ay siiyaan gabadha aabbaheed, maxaa yeelay, isagu magac ceeb ah buu u soo jiiday bikrad reer binu Israa'iil ah. Iyana naagtiisii ha ahaato, oo isna cimrigiisa oo dhan waa inuusan furin.

20. Laakiinse haddii waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,

21. markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

22. Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.

23. Oo haddii nin magaalada dhexdeeda ka helo gabadh bikrad ah oo nin kale u doonan, oo uu iyada la jiifsado,

24. markaas labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin, ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

25. Laakiinse haddii nin duurka ka helo gabadh nin u doonan, oo uu ninku gabadhaas xoogo oo la jiifsado, markaas ninka iyada la jiifsaday keliyahu waa inuu dhintaa,

26. laakiinse gabadha waxba ha yeelin, maxaa yeelay, gabadha dembi dhimasho istaahilaa kuma jiro, waayo, xaalkanu wuxuu la mid yahay markii nin deriskiisa ku kaco oo dilo,

27. waayo, iyada wuxuu ka helay duurka, oo gabadha ninka u doonanuna way qaylisay oo cid iyada badbaadisana la ma arag.

28. Haddii nin helo gabadh bikrad ah oo aan ninna u doonanayn, oo intuu qabsado uu iyada la jiifsado, oo markaas iyaga la helo,

29. markaas ninkii gabadha la jiifsaday waa inuu gabadha aabbaheed siiyaa konton sheqel oo lacag ah. Iyana naagtiisa ha ahaato, maxaa yeelay, isagu ceeb buu ku hoosaysiiyey, oo isna waa inuusan furin cimrigiisa oo dhan.

30. Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis marada ka bannayn.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 22