Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 12:16-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Laakiinse waa inaydaan dhiigga cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaan sida biyo oo kale.

17. Laakiin idiinma bannaana inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan meeltobnaadka hadhuudhkiinna, ama kan khamrigiinna, ama kan saliiddiinna, ama curadyada lo'diinna iyo adhigiinna, ama wax alla wixii aad nidartaan, amase qurbaannada aad ikhtiyaarkiinna u bixisaan, amase qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan,

18. laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba.

19. Haddaba digtoonaada, oo reer Laawi ha dayrinina in alla intaad dalkiinna ku nooshihiin oo dhan.

20. Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu soohdintiinna u ballaadhiyo siduu idiin ballanqaaday, oo aad tidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaan hilib cuno, sababtoo ah nafsaddiinna oo doonaysa inay hilib cunto, markaas way idiin bannaan tahay inaad hilib cuntaan in alla inta nafsaddiinnu doonayso.

21. Haddii meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo ay idinka fog tahay, markaas waa inaad lo'diinna iyo adhigiinna uu Rabbigu idin siiyey wax uga qalataan sida aan idinku amray, oo waa inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan in alla inta nafsaddiinnu doonayso.

22. Oo waxaad iyaga u cuntaan sida loo cuno cawsha iyo deerada, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen.

23. Laakiinse waxaa keliyahood hubsataan inaydaan dhiigga cunin, waayo, dhiiggu waa nolosha, haddaba waa inaydaan cunin hilibka noloshiisu la jirto.

24. Waa inaydaan dhiigga cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaan sida biyo oo kale.

25. Waa inaydaan cunin, si aad u nabdoonaataan idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba, markaad yeeshaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.

26. Laakiinse waxyaalihiinna quduuska ah oo aad haysataan iyo waxyaalihii aad nidartaanba waa inaad qaaddaan oo aad geeysaan meesha Rabbigu dooranayo,

27. oo waa inaad qurbaannadiinna la gubo, hilibka iyo dhiiggaba ku kor bixisaan meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, oo allabarigiinna dhiiggiisana waa in lagu shubo meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, hilibkase waa inaad cuntaan.

28. Dhawra oo dhegaysta erayadan aan idinku amrayo oo dhan, si aad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba weligiin u nabdoonaataan, markaad yeeshaan waxa wanaagsan oo ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 12