Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sekaryaah 6:11-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo waxaad iyaga ka qaaddaa lacag iyo dahab, oo waxaad ka samaysaa taaj, oo waxaad madaxa u saartaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare.

12. Isaga la hadal, oo waxaad ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo leeyahay, Bal eega ninka magiciisu yahay Biqilka. Wuxuu ku kori doonaa meeshiisa, oo macbudka Rabbiga ayuu dhisi doonaa.

13. Isaga qudhiisa ayaa dhisi doona macbudka Rabbiga, oo isagu ammaantuu sidan doonaa, oo carshiga ayuu ku dul fadhiyi doonaa oo ku talin doonaa. Wuxuu ahaan doonaa wadaad carshigiisa ku dul fadhiya, oo labadoodaba waxaa u dhaxayn doona taladii nabaadiinada.

14. Oo taajajka waxaa yeelan doona Xeelem iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah iyo Xeen oo ah ina Sefanyaah, oo waxayna u ahaan doonaan xusuus macbudka Rabbiga ku jirta.

15. Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.

akhri dhamaystiran cutubka Sekaryaah 6