Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 16:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay.

4. Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, Bal eeg, Mefiiboshed wixiisa oo dhan adigaa iska leh. Oo Siibaana wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, waan ku sujuudayaa hortaada; aan raallinimo kaa helo.

5. Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday.

6. Oo dhagxan buuna ku tuuray Daa'uud iyo addoommadii Boqor Daa'uud oo dhanba, oo dadkii oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuna waxay joogeen midigtiisa iyo bidixdiisaba.

7. Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi!

8. Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 16