Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 12:9-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon.

10. Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.

11. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, shar baan gurigaaga kaaga kicin doonaa, oo adoo u jeeda ayaan naagahaaga kaa kaxaysan doonaa, oo waxaan siin doonaa deriskaaga, oo isna intay qorraxdanu soo jeeddo ayuu naagahaaga la seexan doonaa.

12. Waayo, waxan qarsoodi baad u samaysay, laakiinse anigu bayaan baan ugu hor samaynayaa reer binu Israa'iil oo dhan iyo qorraxdaba.

13. Markaasaa Daa'uud wuxuu Naataan ku yidhi, Anigu Rabbiga waan ku dembaabay. Oo Naataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbigu dembigaagii wuu kaa fogeeyey; dhimanna maysid.

14. Habase yeeshee waxaas aad samaysay aawadiis ayaad meel siisay cadaawayaashii Rabbiga inay caytamaan, taas aawadeed wiilka kuu dhashay hubaal wuu dhiman doonaa.

15. Markaasaa Naataan gurigiisii tegey. Markaasaa Rabbigu wax ku riday wiilkii naagta Uuriyaah Daa'uud u dhashay, aad buuna u bukay.

16. Sidaas daraaddeed Daa'uud ayaa wiilkiisii Ilaah u baryay, kolkaasaa Daa'uud soomay, oo intuu gudaha galay ayuu habeenkii oo dhan dhulka jiifay.

17. Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.

18. Oo maalintii toddobaad ayaa yarkii dhintay. Oo Daa'uud addoommadiisiina way ka cabsadeen inay Daa'uud u sheegaan in yarkii dhintay, waayo, waxay isyidhaahdeen, War intii yarku weli noolaa ayaynu isaga la hadalnay, oo isna codkeennii ma uu maqlin; haddaba haddaynu u sheegno in yarkii dhintay, intee in ka badan buu isdhibi doonaa?

19. Laakiinse Daa'uud markuu arkay inay addoommadiisii faqayaan ayuu ogaaday inuu yarkii dhintay; kolkaasaa Daa'uud addoommadiisii ku yidhi, War yarkii ma dhintay? Iyana waxay ku yidhaahdeen, Haah, wuu dhintay.

20. Kolkaasaa Daa'uud dhulkii ka kacay, oo maydhay, oo intuu subkaday ayuu dharkiisii beddeshay; wuxuuna galay gurigii Rabbiga, wuuna caabuday; oo dabadeedna gurigiisii buu yimid, oo intuu cunto weyddiistay ayaa wax la soo hor dhigay, wuuna cunay.

21. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, War waxan aad samaysay waa maxay? Wiilku intuu noolaa ayaad soontay, oo u ooyday aawadiis; laakiinse yarkii markuu dhintay, waad kacday, wax baanad cuntay.

22. Markaasuu ku yidhi, Intii yarku noolaa ayaan soomay oo ooyay, waayo, waxaan is-idhi, Bal yaa og in Rabbigu ii roonaan doono iyo in kale si uu yarku iigu sii noolaado?

23. Laakiinse haatan wuu dhintay, haddaba bal maxaan u soomaa? Miyaan isagii soo celin karaa? Anigaa u tegi doona, laakiinse isagu iima soo noqon doono.

24. Markaasaa Daa'uud qalbi qabowjiiyey naagtiisii Batshebac, oo intuu u tegey ayuu la seexday, markaasay wiil u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Sulaymaan. Kolkaasaa Rabbigu isagii jeclaaday,

25. oo wuxuu u diray Nebi Naataan, magiciisiina wuxuu u bixiyey Yediidyaah, Rabbiga aawadiis.

26. Markaasaa Yoo'aab la diriray Rabbaah oo ahayd magaaladii reer Cammoon, wuuna qabsaday magaaladii reer boqor.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 12