Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 10:17-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen.

18. Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay.

19. Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 10