Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 28:7-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.

8. Kolkaasaa Saa'uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo.

9. Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?

10. Markaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.

11. Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.

12. Oo naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.

13. Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa'uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya.

14. Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.

15. Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.

16. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?

17. Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.

18. Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.

19. Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.

20. Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 28