Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 17:19-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya.

20. Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen.

21. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.

22. Oo Daa'uud wuxuu alaabtiisii kaga tegey kii alaabta dhawrayay gacantiisii, wuuna ku orday ciidankii, oo intuu walaalihiis u tegey ayuu salaamay.

23. Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.

24. Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu markii ay ninkii arkeen ayay ka carareen, aad bayna uga cabsadeen.

25. Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.

26. Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?

27. Oo dadkiina waxay ugu jawaabeen, oo ku yidhaahdeen, Sidan baa lagu samayn doonaa ninkii dila.

28. Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato.

29. Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Bal maxaan haatan sameeyey? Sow hadal uun ma aha?

30. Markaasuu isagii uga jeestay mid kale, oo sidii oo kaluu kula hadlay; oo dadkiina sidii hore oo kalay ugu jawaabeen.

31. Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.

32. Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.

33. Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii.

34. Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato,

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 17