Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 17:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah.

2. Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin.

3. Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo.

4. Oo waxaa xeradii reer Falastiin ka soo baxay nin tiirri ah oo magiciisa la yidhaahdo Goli'ad, oo reer Gad ah oo dhererkiisuna wuxuu ahaa lix dhudhun iyo taako.

5. Oo waxaa madaxiisa u saarnaa koofiyad naxaas ah, dhar bir ahna wuu huwanaa, oo dharka miisaankiisuna wuxuu ahaa shan kun oo sheqel oo naxaas ah.

6. Oo lugahana waxaa ugu xidhnaa naxaas, garbaha dhexdoodana naxaas kale.

7. Oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa, oo miisaanka afka warankiisuna wuxuu ahaa lix boqol oo sheqel oo bir ah; oo waxaana hor socday gaashaansidihiisii.

8. Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco.

9. Oo hadduu awoodo inuu ila diriro oo i dilo, markaas waxaan idiin noqonaynaa addoommadiinnii; laakiinse haddaan ka adkaado oo dilo isaga, markaas waxaad noo noqonaysaan addoommo oo waad noo adeegaysaan.

10. Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira.

11. Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen.

12. Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay.

13. Oo Yesay saddexdiisii wiil oo waaweynayd waxay Saa'uul u raaceen xagga dagaalka; oo saddexdiisii wiil oo dagaalka tagtay magacyadoodii waxay ahaayeen Elii'aab kii curadka ahaa, iyo Abiinaadaab oo ku xigay, iyo kan saddexaad oo Shammaah ahaa.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 17