Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 40:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

2. Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.

3. Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.

4. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

5. Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.

6. Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.

7. Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.

8. Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.

9. Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 40