Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Nexemyaah 9:21-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Haah, afartan sannadood ayaad iyaga cidlada ku xannaanaynaysay, oo waxba uma ayan baahan, dharkoodiina kama uusan duugoobin, cagahoodiina ma ayan bararin.

22. Oo weliba waxaad iyaga siisay oo saami ugu qaybisay boqortooyooyin iyo dadyow kale, oo sidaasay u hantiyeen dalkii Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon, iyo dalkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan.

23. Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan.

24. Markaasay carruurtii dalkii galeen oo hantiyeen, oo waxaad ka hoosaysiisay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Kancaan, waanad gelisay gacmahoodii, iyagii iyo boqorradoodii iyo dadyowgii dalka degganaaba, inay iyaga ku sameeyaan wax alla waxay doonayaan.

25. Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn.

26. Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.

27. Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay.

28. Laakiin markay nasteen ayay wax shar ah hortaada ku sameeyeen, oo sidaas daraaddeed waxaad u daysay gacantii cadaawayaashooda, oo iyana way addoonsadeen iyagii; illowse markay kuu soo noqdeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo marar badan ayaad naxariistaada aawadeed ku samatabbixisay;

29. oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.

30. Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa.

31. Habase yeeshee naxariistaada badan aawadeed dhammaantood ma aadan wada baabbi'in, mana aadan dayrin, maxaa yeelay, waxaad tahay Ilaah raxmad iyo naxariis badan.

32. Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

33. Si kastaba ha ahaatee xaq baad ku tahay waxa nagu dhacay oo dhan, maxaa yeelay, run baad ku socotay, annaguse shar baannu samaynay,

34. oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.

35. Waayo, boqortooyadoodii kuuguma ay adeegin wanaaggaagii weynaa oo aad siisay aawadiis, iyo dalka ballaadhan oo barwaaqaysan oo aad hortooda dhigtay aawadiis, oo kamana ay soo noqon shuqulladoodii sharka ahaa.

36. Bal eeg, annagu maanta waxaannu nahay addoommo, oo dalkii aad awowayaashayo u siisay inay midhihiisa iyo wanaaggiisa cunaan, bal eeg, annagu dhexdiisaannu addoommo ku nahaye.

akhri dhamaystiran cutubka Nexemyaah 9