Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 21:13-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.

14. Waa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay.

15. Oo waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.

16. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

17. Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

18. Waayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah,

19. ama ninkii cag jaban, ama gacan jaban,

20. ama kii tuur leh, ama kii cilin ah, ama kii ishiisu iin leedahay, ama kii cambaar qaba, ama kii cadho qaba, ama kii xiniinyihiisu burbureen.

21. Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

22. Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

23. Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 21