Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 65:10-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Shaaroon waxay noqon doontaa meel ay adhiyuhu daaqaan, oo dooxadii Caakoorna waxay noqon doontaa meel ay lo'yowgu fadhiistaan, dadkayga i doondoonay aawadood.

11. Laakiinse kuwiinna Rabbiga ka taga, oo buurtayda quduuska ah illoobay, oo Gaad miis u diyaariya, oo Menii khamri u qasa,

12. waxaan idinka dhigi doonaa kuwa seefta ku le'da, oo dhammaantiinna waxaad u wada foororsan doontaan in laydin gowraco, maxaa yeelay, markaan idiin yeedhay iima aydaan jawaabin, oo markaan idinla hadlayna, ima aydaan maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa baad samayseen, oo waxaad doorateen wax aanan ku farxin.

13. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan,

14. addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.

15. Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa.

16. Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.

17. Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.

18. Laakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa.

19. Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 65