Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 56:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.

2. Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.

3. Shisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan.

4. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya

5. waxaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin.

6. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya,

7. kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.

8. Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 56