Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 54:7-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.

8. Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.

9. Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.

10. Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.

11. Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.

12. Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.

13. Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.

14. Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.

15. Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.

16. Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 54