Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 40:11-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.

12. Bal yaa biyaha sacabkiisa godan ku qiyaasay, oo samada taako ku qiyaasay, oo ciidda dhulka miisaan ku qiyaasay, oo buuraha miisaammo saaray, oo kurahana kafado ku miisaamay?

13. Bal yaa Ruuxa Rabbiga la taliyey? Bal yaase intuu lataliyihiisii noqday isaga wax baray?

14. Bal yuu isagu la tashaday? Oo bal yaa tacliimiyey, oo dhabbaha caddaaladda baray? Oo yaa aqoon baray, oo jidka waxgarashada tusay?

15. Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale.

16. Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla.

17. Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn.

18. Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

19. Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah.

20. Kii miskiin ah oo aan qurbaan awoodi karinuse wuxuu doortaa geed aan bololi karin, oo wuxuu doondoontaa nin saanac ah oo hagaajiya sanam xardhan oo aan dhaqaaqi karin.

21. Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 40