Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 30:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay dadka caasiyiinta ah oo talo aan iga iman ku talaggala, oo heshiis sameeya laakiinse aan xagga Ruuxayga ahayn, si ay dembiba dembi ugu sii daran,

2. oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

3. Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab.

4. Waayo, amiirradiisii Socan bay joogaan, oo ergooyinkiisiina Xaanees bay yimaadeen.

5. Kulligood waxay ku ceeboobi doonaan dad aan iyaga waxba u tari karin, oo aan iyaga u ahayn caawimaad iyo faa'iido toona, laakiinse ceeb iyo sharafjab u soo jiidi doona.

6. Kanu waa warka culus ee xayawaanka koonfureed ku saabsan. Waxay maalkooda dameerro dhabarkooda ugu raraan oo ay khasnadahoodana awr kuruskeed ugu qaataan dad aan iyaga waxba u tari doonin, oo waxay dhex maraan dalka dhibka iyo cidhiidhiga oo ay goosha iyo aarka, iyo jilbiska iyo masduulaaga dabka lahu ka yimaadaan.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 30