Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 16:9-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Sidaas daraaddeed waxaan canabka Sibmaah ugu ooyi doonaa oohintii aan Yacser ugu ooyay oo kale. Xeshboon iyo Elecaaleehow, waxaan idinku waraabin doonaa ilmadayda, waayo, midhahaagii la hor guray iyo beergoosadkaagiiba waxaa ku dhacday qayladii dagaalka.

10. Farxaddii waa la qaaday, oo beertii midhaha badnaydna farxaddii waa laga bixiyey, oo beeraha canabka ahna hees iyo rayrayn ma jiri doonaan, mana jiri doono mid canabka macsarooyin ku tunta, oo qaylada tumidda canabkana waan joojiyey.

11. Haddaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.

12. Oo markii Moo'aab iskeeno oo uu meesha sare ku daalo, oo uu meeshiisa quduuska ah u yimaado si uu ugu tukado, innaba ma guulaysan doono.

13. Kanu waa eraygii uu Rabbigu waagii hore reer Moo'aab kaga hadlay.

14. Laakiinse haatan Rabbigu wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Muddo saddex sannadood ah sida shaqaale sannaddiis ayaa sharafta reer Moo'aab lagu quudhsan doonaa, isaga iyo dadkiisa faraha badan, oo kuwa hadhi doonaana waxay ahaan doonaan in yar oo aan tabar lahayn.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 16