Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Hoosheeca 9:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Dadka Israa'iilow, farxad ha ku rayraynina sida dadyowga, waayo, waxaad ka tagteen Ilaahiinnii sida naag ninkeeda ka dhillowday, oo waxaad aad u jeclaateen inaad caashaq lacag ku kiraysataan goob kasta oo hadhuudh.

2. Goobta hadhuudhka lagu tumo iyo macsarada khamriguba iyaga ma ay quudin doonaan, oo khamriga cusubuna wuu gabi doonaa.

3. Iyagu ma ay degganaan doonaan Rabbiga dalkiisa, laakiinse reer Efrayim Masar bay ku noqon doonaan, oo cunto wasakh ah ayay ku dhex cuni doonaan dalka Ashuur.

4. Iyagu Rabbiga uma ay shubi doonaan qurbaanno khamri ah, oo isagana kama ay farxin doonaan. Allabaryadoodu waxay iyaga ula mid noqon doonaan sida cuntada kuwa baroorta. In alla intii wax ka cuntaana way wada nijaasoobi doonaan, waayo, cuntadoodu waxay ahaan doontaa mid ay nafsadoodu u hamuunta, oo sooma ay geli doonto guriga Rabbiga.

5. Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?

6. Waayo, bal eeg, iyagu waxay ka tageen halligaad, laakiinse Masar baa iyaga soo urursan doonta, oo waxaa iyaga aasi doonta magaalada Mof. Waxyaalahooda wacan oo lacagta ahna waxaa qaadan doona maraboob, oo teendhooyinkoodana waxaa ka soo dhex bixi doonta qodxan.

7. Maalmihii ciqaabiddu waa yimaadeen, oo maalmihii abaalmarintu waa yimaadeen. Dadka Israa'iilna way ogaan doonaan. Nebigu waa nacas, ninkii ruuxa lahuna waa waalan yahay, waana xumaantaada badatay aawadeed, iyo cadownimada badatay aawadeed.

8. Reer Efrayim wuxuu ahaa waardiye Ilaahay la jira, laakiinse nebigii jidadkiisa oo dhan waxaa loo dhigay dabinkii shimbirrodabadka, oo gurigii Ilaahiisna cadownimo baa ku jirta.

9. Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.

10. Waxaan gartay in dadka Israa'iil ay la mid ahaayeen canab cidlada ku dhex yaal, oo waxaan arkay in awowayaashiin ahaayeen sidii berdaha xilliga hore bislaada, laakiinse iyagu waxay yimaadeen Bacal Fecoor, oo waxay gooni isugu sooceen waxaas ceebta miidhan ah, oo waxay u karaahiyoobeen sidii wixii ay jeclaayeen oo kale.

11. Oo weliba reer Efrayimna sharaftoodu waxay u haadi doontaa sidii shimbir oo kale, oo innaba dhalasho, iyo uuraysi, iyo wallacid ma jiri doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Hoosheeca 9