Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Gabaygii Sulaymaan 3:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.

2. Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.

3. Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?

4. Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.

5. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

6. Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

7. Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil Ayaa hareereheeda ku wareegsan.

akhri dhamaystiran cutubka Gabaygii Sulaymaan 3