Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Esteer 1:4-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo wuxuu soo bannaan dhigay maalkii boqortooyadiisa ammaanta badnayd, iyo sharaftii haybaddiisa sarraysa, intii maalmo badan ah oo gaadha boqol iyo siddeetan maalmood.

5. Oo markii maalmahaasu dhammaadeen ayuu boqorku diyaafad u sameeyey dadkii Shuushan oo hoygii boqorka ahayd joogay oo dhan, yar iyo weynba, intii toddoba maalmood ah, oo diyaafaddiina waxaa lagu dhigay barxaddii beerta ku dhex tiil hoygii boqorka.

6. Oo waxaa meeshaas ka laalaaday daahyo ah caddaan iyo cagaar iyo buluug, oo waxaa ku xidhnaa xadhko laga sameeyey maro wanaagsan iyo dhar guduudan oo sudhan siddooyin lacag ah iyo tiirar marmar ah. Sariiruhuna waxay ahaayeen dahab iyo lacag, oo waxaa la dhigay meel siman oo laga sameeyey marmar ah casaan iyo caddaan iyo huruud iyo madow.

7. Oo waxaa dadka cabniin lagu siiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kale wuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaa sidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku.

8. Oo cabniinkuna wuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo, boqorku wuxuu madaxdii gurigiisa oo dhan ku amray inay nin kasta u yeelaan siduu doonayo.

9. Oo weliba Boqorad Washtiina waxay dumarkii diyaafad ugu samaysay hoygii reer boqor oo uu Boqor Ahashwerus lahaa.

10. Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas,

11. oo wuxuu iyagii ku amray inay Boqorad Washtii hortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, si quruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyadu waxay lahayd suurad wanaagsan oo in la fiirsado ku fiican.

12. Laakiinse boqoraddii Washtii ahayd way diidday inay ku timaado amarkii boqorku ugu soo dhiibay midiidinnada. Sidaas daraaddeed boqorkii aad buu u xanaaqay, oo cadhadiisiina wuu la gubtay.

13. Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xigmadda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadiisu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyo xukunkaba,

14. oo waxaa isaga ku xigay Karshena, Shetaar, Admata, Tarshiish, Meres, Marsena, iyo Memuukaan oo ahaa toddobadii amiir oo Faaris iyo Maaday, oo arkay boqorka wejigiisa, oo fadhiyey boqortooyada derejadeeda kowaad),

15. oo wuxuu ku yidhi, War maxaan ku samaynaa Boqorad Washtii sida sharciga waafaqsan? Maxaa yeelay, iyadu ma ay yeelin yeedhiddii Boqor Ahashwerus iyada midiidinnada ugu sii dhiibay.

akhri dhamaystiran cutubka Esteer 1