Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Daanyeel 2:38-46 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Oo meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.

39. Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.

40. Oo boqortooyada afraadna waxay u xoog badnaan doontaa sida birta; waayo, birtu way jejebisaa, wayna ka adkaataa wax walba; oo sida birtu u burburiso kuwan oo dhan ayay u jejebin oo ay u burburin doontaa.

41. Oo sidaad u aragtay cagaha iyo faraha lugeed oo qaar yahay dhoobadii dheryasameeyaha, qaarna yahay birta, ayay u noqon doontaa boqortooyo kala qaybsan, laakiinse waxaa ku jiri doona xooggii birta, sidaad u aragtay birta ku qasan dhoobada dheryaha laga sameeyo.

42. Oo sidii faraha cagaha qaarkood bir u ahaa, qaarna dhoobo u ahaa, ayaa boqortooyada qaarkeedna u xoog badnaan doonaa, qaarkeedna u jabi doonaa.

43. Oo sidaad u aragtay dhoobada dheryaha laga sameeyo iyo birta isku qasan, ayay isugu qasi doonaan farcanka dadka; laakiinse isma ay qabsan doonaan, sida aanay birtu ugu qasmi karin dhoobada.

44. Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.

45. Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.

46. Markaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon.

akhri dhamaystiran cutubka Daanyeel 2