cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Daanyeel 2 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Riyadii Nebukadnesar

1. Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.

2. Markaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen.

3. Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Riyaan ku riyooday, waxaanan la argaggaxsanahay inaan ogaado waxa riyada micneheedu yahay.

4. Markaasaa kuwii reer Kaldayiin ahaa boqorkii kula hadleen afkii reer Suuriya, waxayna ku yidhaahdeen, Boqorow, weligaaba noolow. Bal riyadaada noo sheeg annagoo addoommadaada ah oo annana waxaannu kuu caddayn doonnaa fasirkeeda.

5. Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.

6. Laakiinse haddaad ii caddaysaan riyadii iyo fasirkeediiba, waxaan idin siin doonaa hadiyad iyo abaalgud iyo ciso weyn; haddaba sidaas daraaddeed ii caddeeya riyadii iyo fasirkeediiba.

7. Iyana mar labaad bay u jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorow, annagoo ah addoommadaada, riyadii noo sheeg, oo annana waxaannu caddayn doonnaa fasirkeedii.

8. Boqorkiina waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Xaqiiqa waan garanayaa inaad wakhti dheer qaadanaysaan, maxaa yeelay, waad og tihiin in wixii iga tegey.

9. Laakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.

10. Kuwii reer Kaldayiin ahaana boqorkii bay u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulka ma joogo nin caddayn karaa xaalkaaga, boqorow; waayo, lama arag boqor, ama sayid, ama taliye waxan oo kale weyddiiyey saaxir ama xiddigiye, ama mid ka mid ah reer Kaldayiin toona.

11. Waxaad weyddiisay, boqorow, waa wax aan badanaa la weyddiin dadka, qof kale oo boqorka u caddayn karaana ma jiro ilaahyada mooyaane, kuwaasoo aan hoygoodu binu-aadmiga la jirin.

12. Sababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.

13. Amarkiina waa baxay, nimankii xigmadda lahaana waxaa la doonayay in la wada laayo, markaasay dooneen Daanyeel iyo saaxiibbadiis in la laayo.

14. Daanyeelna jawaab buu talo iyo miyir ugu celiyey Aryoog oo ahaa sirkaalkii waardiyaha boqorka, oo u soo baxay inuu laayo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon oo dhan.

15. Wuxuu Aryoog oo ahaa sirkaalkii boqorka ugu jawaabay, Boqorku muxuu amarka ugu degdegay? Markaasaa Aryoog xaalkii ogeysiiyey Daanyeel.

16. Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.

17. Markaasaa Daanyeel gurigiisii tegey, oo xaalkii ogeysiiyey Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah, oo ahaa saaxiibbadiis,

18. inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.

19. Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.

20. Daanyeelna waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh magaca Ilaah weligiis iyo weligiis; waayo, isagaa leh xigmad iyo xoogba;

21. oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.

22. Wuu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa.

23. Waan kugu mahadnaqayaa, oo waan ku ammaanayaa, Ilaaha awowayaashayow, oo i siiyey xigmad iyo xoog, oo haatan i ogeysiiyey wixii aannu kaa doonaynay; waayo, waad na ogeysiisay xaalkii boqorka.

Daanyeel Oo Riyadii Fasiray

24. Sidaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.

25. Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.

26. Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar, Ma i ogeysiin kartaa riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba?

27. Daanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona;

28. laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.

29. Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.

30. Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.

31. Boqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.

32. Ekaantaasna madaxeedu wuxuu ahaa dahab wanaagsan, laabteeda iyo gacmaheeduna waxay ahaayeen lacag, caloosheeda iyo bowdooyinkeeduna waxay ahaayeen naxaas.

33. Lugaheeduna waxay ahaayeen bir, cagaheeda qaar wuxuu ahaa bir, qaarna wuxuu ahaa dhoobo.

34. Oo waxaad aragtay ilaa uu dhagax aan gacmo lagu gooyn ekaantii kaga dhacay cagihii ahaa birta iyo dhoobada, wayna kala burbureen.

35. Markaasaa birtii, iyo dhoobadii, iyo naxaastii, iyo lacagtii, iyo dahabkiiba wada burbureen, oo waxay noqdeen sida buunshaha meelaha wax lagu tumo; dabayl baana la tagtay, si aan meella loogu helin; markaasaa dhagaxii ekaanta ku dhacay wuxuu noqday buur weyn, oo dhulka oo dhan buuxiyey.

36. Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.

37. Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.

38. Oo meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.

39. Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.

40. Oo boqortooyada afraadna waxay u xoog badnaan doontaa sida birta; waayo, birtu way jejebisaa, wayna ka adkaataa wax walba; oo sida birtu u burburiso kuwan oo dhan ayay u jejebin oo ay u burburin doontaa.

41. Oo sidaad u aragtay cagaha iyo faraha lugeed oo qaar yahay dhoobadii dheryasameeyaha, qaarna yahay birta, ayay u noqon doontaa boqortooyo kala qaybsan, laakiinse waxaa ku jiri doona xooggii birta, sidaad u aragtay birta ku qasan dhoobada dheryaha laga sameeyo.

42. Oo sidii faraha cagaha qaarkood bir u ahaa, qaarna dhoobo u ahaa, ayaa boqortooyada qaarkeedna u xoog badnaan doonaa, qaarkeedna u jabi doonaa.

43. Oo sidaad u aragtay dhoobada dheryaha laga sameeyo iyo birta isku qasan, ayay isugu qasi doonaan farcanka dadka; laakiinse isma ay qabsan doonaan, sida aanay birtu ugu qasmi karin dhoobada.

44. Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.

45. Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.

46. Markaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon.

47. Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.

48. Markaasaa boqorkii Daanyeel derejeeyey, oo wuxuu siiyey hadiyado badan oo waaweyn, wuuna u dhiibay taladii gobolkii Baabuloon oo dhan, oo wuxuu ka dhigay taliyaha madaxda u ah ragga xigmadda leh oo Baabuloon oo dhan.

49. Daanyeelna boqorkuu weyddiistay inuu ka dhigo Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, Daanyeelse wuxuu joogay iridda boqorka.