Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cesraa 5:11-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo iyana sidanay jawaab noogu soo celiyeen oo yidhaahdeen, Waxaannu nahay addoommadii Ilaaha samada iyo dhulka, oo waxaannu dhisaynaa gurigan oo sannado badan oo hore la dhisay, oo boqor weyn oo reer binu Israa'iil ahu uu dhisay oo dhammeeyey.

12. Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.

13. Laakiinse Kuuros oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddiisii kowaad ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar lagu dhiso gurigan Ilaah.

14. Oo weliba weelashii dahabka iyo lacagta ahaa ee gurigii Ilaah oo uu Nebukadnesar ka qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil oo uu geeyey macbudkii Baabuloon, kuwaas boqor Kuuros wuu ka soo bixiyey macbudkii Baabuloon, oo waxaa loo soo dhiibay mid magiciisa la odhan jiray Sheeshbasar, oo uu isagu taliye ka dhigay;

15. oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

16. Markaasaa Sheeshbasarkii yimid, oo wuxuu dhigay aasaaskii guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo tan iyo waagaas waa la dhisayay, laakiinse weli lama dhammaystirin.

17. Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.

akhri dhamaystiran cutubka Cesraa 5