Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Caamoos 4:9-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

10. Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

11. Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

12. Haddaba dadka Israa'iilow, sidaasaan idinku samayn doonaa, oo waxan aan idinku samayn doona aawadeed isu diyaariya inaad Ilaahiinna la kulantaan, dadka Israa'iilow.

13. Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.

akhri dhamaystiran cutubka Caamoos 4