Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Caamoos 2:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen.

2. Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.

3. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.

4. Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Yahuudah sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu sharcigii Rabbiga way diideen, oo qaynuunnadiisiina ma ay xajin, oo beentoodii baa iyaga qaladday, taasoo ay awowayaashoodba daba socon jireen.

5. Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

6. Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood.

akhri dhamaystiran cutubka Caamoos 2