Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 9:27-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Laakiinse Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah markuu taas arkay ayuu u cararay xagga gurigii beerta. Oo Yeehuuna wuu eryaday oo wuxuu yidhi, War isagana gaadhifaraskiisa ku dhex dila. Markaasay isagii ku dileen jiirtii Guur oo Yiblecaam ku ag taal. Wuuna u cararay xagga Megiddoo oo halkaasuu ku dhintay.

28. Addoommadiisii ayaa gaadhifaras xagga Yeruusaalem ugu qaaday, oo qabrigiisii ayay awowayaashiis kula aaseen magaaladii Daa'uud dhexdeeda.

29. Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.

30. Oo Yeehuu markuu Yesreceel yimid ayaa Yesebeel maqashay, markaasay intay indhakuulatay oo gambaysatay daaqaddii ka fiirisay.

31. Oo markii Yeehuu iriddii ka soo galay ayay tidhi, Simriigii sayidkiisii dilayow, ma nabad baa?

32. Oo isna intuu kor u eegay xagga daaqaddii ayuu yidhi, War yaa ila gees ah? Yaa ila gees ah? Markaasaa waxaa soo fiiriyey laba ama saddex nin oo bohon ah.

33. Kolkaasuu ku yidhi, Soo tuura iyada. Iyana way soo tuureen, oo dhiiggeedii waxaa qaar ku saydhmay derbigii iyo fardihii; oo isna kolkaasuu iyadii ku tuntay.

34. Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor.

35. Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.

36. Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.

37. Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 9