Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 2:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo markii Rabbigu doonayay inuu Eliiyaah samada dabayl cirwareen ah ugu qaado ayaa Eliiyaah wuxuu Gilgaal ka raacay Eliishaa.

2. Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.

3. Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Beytel joogay ayaa Eliishaa u soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ku yidhi, Haah, waan ogahaye iska aamusa.

4. Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo.

5. Oo haddana qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ayaa Eliishaa u soo dhowaaday, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ogahaye iska aamusa.

6. Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.

7. Oo waxaa tegey konton nin oo qoonkii nebiyada ahaa ah, oo waxay istaageen meel hortooda ah oo cabbaar ka fog; oo labadoodiina waxay istaageen Webi Urdun agtiisa.

8. Markaasaa Eliiyaah go'iisii qaaday oo duudduubay, oo biyihii ku dhuftay, iyana xagga iyo xagga ayay u kala qaybsameen, sidaas daraaddeed labadoodiiba waxay mareen dhul engegan.

9. Oo haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 2