Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 1:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.

2. Oo Axasyaahna wuxuu ka dhacay daaqaddii qolkiisii sare oo Samaariya ku yiil, wuuna bukooday, markaasuu wargeeyayaal diray, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon waxaad ii soo weyddiisaan bal inaan buktadan ka bogsanayo iyo in kale.

3. Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan?

4. Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.

5. Kolkaasaa wargeeyayaashii isagii ku soo noqdeen, oo isna wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo noqoteen?

6. Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.

7. Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?

8. Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii.

9. Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay.

10. Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.

11. Oo haddana wuxuu isagii u diray sirkaal kale oo konton nin xukuma ee isna wata kontonkiisii. Oo isna intuu u jawaabay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waxaa boqorkii kugu soo yidhi, Soo deg oo haddiiba kaalay.

12. Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.

13. Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 1