Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baroorashadii Yeremyaah 1:3-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Quruunta Yahuudah maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay dhibkeedii iyo addoonsigeedii weynaa aawadood. Quruumahay dhex deggan tahay, oo innaba nasasho ma hesho. Silciyayaasheedii oo dhammu waxay soo gaadheen iyadoo cidhiidhi ku dhex jirta.

4. Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.

5. Kuwii cidhiidhin jiray madax bay noqdeen, cadaawayaasheediina way barwaaqoobaan, Waayo, Rabbigu wuxuu iyada u dhibay xadgudubyadeedii badnaa aawadood. Carruurteediina maxaabiis ahaan bay cadowgoodii u hor socdeen.

6. Oo magaaladii Siyoon quruxdeedii oo dhammuna way ka dhammaatay. Amiirradeedii waxay noqdeen sidii deero daaq weyday, Oo waxay tageen iyagoo aan itaal ku lahayn kan eryanaya hortiis.

akhri dhamaystiran cutubka Baroorashadii Yeremyaah 1