Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 6:9-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso.

10. Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay.

11. Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.

12. Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.

13. Xubnihiinnana dembiga ha u siinina sida qalabka xaqdarrada, laakiin Ilaah isa siiya sida idinkoo ah kuwo ka soo noolaaday kuwii dhintay, xubnihiinnana Ilaah u siiya sida qalabka xaqnimada.

14. Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.

15. Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon!

16. Ma waydaan ogayn inaad addoommo u tihiin kii aad isu siisaan sida addoommo addeeca, oo aad addoommadiisa tihiin kii aad addeecdaan, ama ha noqoto dembiga idiin kaxeeya xagga dhimashada ama addeecidda idiin kaxaysa xagga xaqnimada?

17. Laakiinse mahad Ilaah baa leh, waayo, waxaad ahaan jirteen addoommadii dembiga, haatanse qalbigiinaad ka addeecdeen caynaddii waxbariddii laydin siiyey;

18. oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen.

akhri dhamaystiran cutubka Rooma 6