Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Filemon 1:8-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

9. haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.

10. Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan,

11. kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara.

12. Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.

13. Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

14. Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.

15. Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid;

16. laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.

akhri dhamaystiran cutubka Filemon 1