Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Filemon 1:21-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.

22. Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.

23. Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,

24. iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.

25. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

akhri dhamaystiran cutubka Filemon 1