Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 9:17-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.

18. Oo markiiba waxaa indhihiisa ka soo dhacay wax xuubab u eg, wuuna helay araggiisii; markaasuu kacay oo waa la baabtiisay;

19. cunto buuna cunay, waana xoogaystay. Haddaba dhawr maalmood ayuu la joogay xertii Dimishaq joogtay.

20. Oo markiiba sunagogyada dhexdooda ayuu dadka kaga dhex wacdiyey Ciise inuu yahay Wiilka Ilaah.

21. Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare.

22. Laakiin Sawlos xooggiisii baa u sii kordhay, wuuna wareeriyey Yuhuuddii Dimishaq joogtay isagoo caddaynaya inuu kanu yahay Masiixa.

23. Oo markii maalmo badan dhaafeen, ayay Yuhuuddu ku tashadeen inay dilaan;

24. laakiin Sawlos waa ogaaday tashigoodii. Haddaba habeen iyo maalinba irdaha magaalada bay ka fiirin jireen inay dilaan;

25. laakiin xertiisii baa habeen qaadday oo derbiga ka sii daysay iyagoo dambiil ku dejinaya.

26. Oo kolkuu Yeruusaalem yimid, wuxuu isku dayay inuu xertii ku darsamo; dhammaantoodse waa ka cabsadeen, maxaa yeelay, ma ay rumaysnayn inuu xer yahay.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 9