Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 6:12-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan.

13. Ilaah hortiis kan wax kasta nooleeya, iyo Ciise Masiix hortiis, kan Bontiyos Bilaatos hortiisa qirashada wanaagsan ku qirtay, waxaan kugu amrayaa

14. inaad amarka ku xajisid iinla'aan iyo ceebla'aan ilaa Rabbigeenna Ciise Masiix muuqdo,

15. muuqashadaas uu wakhtigiisa muujin doono, kan ammaanta leh oo keligiis xoogga leh, oo ah Boqorka boqorrada iyo Sayidka sayidyada,

16. kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan karin, oo aan ninna arkin, lana arki karin; isagu ha lahaado ciso iyo itaal weligiis. Aamiin.

17. Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno.

18. Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,

19. iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 6