Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Tesaloniika 5:13-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.

14. Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.

15. Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

16. Had iyo goorba farxa.

17. Joogsila'aanna tukada.

18. Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.

19. Ruuxa ha deminina.

20. Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.

21. Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.

22. Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.

23. Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.

24. Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.

25. Walaalayaalow, noo soo duceeya.

26. Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

27. Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Tesaloniika 5