Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Tesaloniika 4:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan.

2. Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin.

3. Maxaa yeelay, doonista Ilaah waxaa weeyaan inaad quduus ahaataan oo aad sino ka fogaataan,

4. in midkiin kastaaba garto siduu weelkiisa ugu hayn lahaa quduusnaan iyo maamuus,

akhri dhamaystiran cutubka 1 Tesaloniika 4