Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 7:6-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo.

7. De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.

8. Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan,

9. laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.

10. Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.

11. Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.

12. Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin.

13. Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin.

14. Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus.

15. Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad.

16. Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?

17. Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa.

18. Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 7