Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 5:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Khamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadqeeyey.

8. Haddaba yeynan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah.

9. Waxaan warqaddaydii idiinku soo qoray inaydnaan kuwa sinaysta raacin.

10. Ulama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma, iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan.

11. Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaahdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco, ama sanam caabudo, ama wax caayo, ama sakhraamo, ama wax dulmo. Waa inaydnaan kaasoo kale xataa wax la cunin.

12. Waayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira?

13. Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 5