Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 10:1-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen,

2. iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba,

3. iyo siday dhammaantood u wada cuneen isku cunto ruuxa ah,

4. oo dhammaantoodna ay u wada cabbeen isku cabbid ruuxa ah, waayo, waxay ka cabbeen dhagaxa ruuxa ah oo ka daba imanayay iyaga, dhagaxuna wuxuu ahaa Masiixa.

5. Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada.

6. Waxyaalahaasi waxay inoo noqdeen masaallo si aynaan waxyaalaha sharka ah u damcin siday iyagu u damceen.

7. Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan.

8. Oo yeynan sinaysanin siday qaarkood u sinaysteen oo saddex iyo labaatan kun ay maalin keliya u dhinteen.

9. Oo yeynan jirrabin Rabbiga siday qaarkood u jirrabeen oo ay masasku u baabbi'iyeen.

10. Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi'iyuhu u baabbi'iyey.

11. Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay.

12. Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.

13. Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.

14. Sidaa daraaddeed, gacaliyayaalow, sanamcaabudidda ka carara.

15. Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 10