Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 40:43-48 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

43. Oo waxaa gudaha ugu xidhnaa qabatooyin ballaadhkoodu taako yahay oo hareerahooda oo dhan kaga wareegsan, oo miisaskii korkoodana waxaa saarnaa hilibkii qurbaanka.

44. Oo iridda hoose dibaddeedana waxaa ku yiil qolladihii kuwa gabya oo barxadda hoose ku yiil, oo mid waxay ku ag tiil iridda woqooyi oo waxay u sii jeedday xagga koonfureed, oo tanna waxay ag tiil iridda bari oo waxay u sii jeedday xagga woqooyi.

45. Oo wuxuu igu yidhi, Qolladdan xagga koonfureed u sii jeedda waxaa iska leh wadaaddada daarta taladeeda haya.

46. Oo qowladda xagga woqooyi u sii jeeddana waxaa iska leh wadaaddada meesha allabariga taladeeda haya, oo kuwaasu waa reer Saadooq oo reer Laawi ka mid ah, oo Rabbiga ugu soo dhowaada inay isaga u adeegaan.

47. Oo haddana wuxuu qiyaasay barxaddii oo dhererkeedu yahay boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna yahay boqol dhudhun, oo afar gees ah, oo meeshii allabariguna daartay ka horraysay.

48. Markaasuu balbaladii daarta i geeyey, oo wuxuu qiyaasay balbalada tiirarkeedii, oo dhinacan wuxuu ahaa shan dhudhun, dhinacaasna wuxuu ahaa shan dhudhun; oo iridda ballaadhkeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun oo dhinacan ah iyo saddex dhudhun oo dhinacaas ah.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 40