Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 23:6-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. kuwaas oo dhar buluug ah xidhnaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal, oo kulligood dhallinyaro suurad wacan ahaa, oo ahaa fardooley fardo fuushan.

7. Oo iyadu kulligood bay ka dhillaysatay, kuwaasoo kulligood ahaa raggii Ashuur ee ugu wacanaa, oo ku alla kii ay caashaqday iyo sanamyadoodii oo dhanba way isugu nijaasaysay.

8. Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.

9. Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday.

10. Kuwaasu cawradeedii bay soo bandhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey.

11. Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed.

12. Waxay caashaqday kuwii reer Ashuur ee deriska la ahaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal si qurux badan u xidhan, oo ahaa fardooley fardo fuushan, oo kulligood wada ahaa dhallinyaro suurad wacan.

13. Oo anigu waxaan arkay inay nijaasowday, oo ay labadoodiiba isku jid qaadeen.

14. Dhillanimadeediina way sii kordhisay, waayo, waxay aragtay niman derbiga ku taswiiran, oo ahaa taswiirihii reer Kaldayiin oo asal guduudan lagu taswiiray,

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 23