Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 12:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

2. Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.

3. Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.

4. Oo waa inaad alaabtaada maalin cad soo bixisaa sida alaab lala guurayo iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad makhribkii ambabbaxdaa sida kuwo masaafuris u bixitimaya iyagoo indhaha kugu haya.

5. Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.

6. Iyagoo indhaha kugu haya waa inaad alaabta garbaha ku qaadataa oo la ambabbaxdaa markay gudcur tahay. Oo wejigaagana waa inaad deddaa si aadan dhulka u arag, waayo, calaamad baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay.

7. Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.

8. Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

9. Wiilka Aadamow, reerkii caasiyoobay oo reer binu Israa'iil ah sow kuguma ay odhan, War maxaad samaynaysaa?

10. Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Warkan culusu wuxuu ku saabsan yahay amiirka Yeruusaalem jooga iyo reer binu Israa'iilka dhexdeeda jooga oo dhanba.

11. Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Anigu calaamad baan idiin ahay. Sidaan sameeyey oo kale ayaa iyaga lagu samayn doonaa. Iyagu masaafurisyo bay noqon doonaan oo maxaabiisnimay geli doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 12