Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 11:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.

2. Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.

3. Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.

4. Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.

5. Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 11