Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 6:17-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.

18. Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.

19. Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.

20. Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.

21. Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.

22. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.

23. Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.

24. Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.

25. Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.

26. Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.

27. Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u imtixaantid.

28. Iyagu waa caasiyiin fallaagoobay, oo xan bay la ordaan oo iyagu waa naxaas iyo bir, oo kulligoodna waa kuwa wax kharriba.

29. Buufinkii aad buu wax u buufiyaa, oo laxaamaddiina dabkaa baabba'saday, oo lacag shubihiina waxtarla'aan buu wax u sii dhalaalinayaa, waayo, sharrowyadii weli ma soocna.

30. Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 6