Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 49:1-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu wuxuu reer Cammoon ka leeyahay, Israa'iil miyuusan wiilal lahayn? Miyuusan mid dhaxla lahayn? Bal maxaa Malkaam u dhaxlay Gaad, oo maxaase dadkiisu u degay magaalooyinkii reer Gaad?

2. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan ka dhigi doono in la maqlo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalada Rabbaah ee reer Cammoon, oo waxay noqon doontaa taallo burbur ah, oo gabdhaheedana dab baa lagu wada gubi doonaa, oo markaasay dadka Israa'iil dhaxli doonaan kuwii iyaga dhaxli jiray, ayaa Rabbigu leeyahay.

3. Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba.

4. Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya?

5. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan kugu soo dejin doonaa cabsi kaaga timaada kuwa hareerahaaga ku wareegsan oo dhan. Oo midkiin kastaba hor baa loo eryi doonaa, oo cid kuwa warwareega soo ururisaana ma jiri doonto.

6. Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

7. Rabbiga ciidammadu wuxuu reer Edom ka leeyahay, Teemaan miyaan xigmad lagu sii arag innaba? Taladii miyey ka baabba'day kuwii miyirka lahaa? Xigmaddoodii miyey ka wada dhammaatay?

8. Dadka Dedaan degganow, carara, oo dib u noqda, oo meelo hul dheer dega, waayo, reer Ceesaw waxaan ku soo dejin doonaa masiibadiisa oo dhan, waana wakhtiga aan isaga ciqaabi doono.

9. Haddii kuwa canab ururiya ay kuu yimaadaan, sow kaagama ay tageen canab xaaxaab ah? Haddiise tuugag ay habeenkii kuu miraan, sow kama ay tageen markay wax ku filan helaan?

10. Laakiinse anigu reer Ceesaw waan qaawiyey, oo meelihiisii qarsoonaana daahaan ka wada qaaday, oo isna ma uu kari doono inuu isqariyo. Farcankiisii iyo walaalihiis iyo deriskiisiiba way wada baabbe'een oo isagiina innaba ma jiro.

11. Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen.

12. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, kuwii ayan ku garta ahayn inay koobka cabbaan, xaqiiqa ahaan bay u cabbi doonaan. Haddaba adigu miyaad tahay mid aan la ciqaabi doonin? Adigu ciqaabidla'aan innaba ma sii joogi doontid, laakiinse sida xaqiiqada ah waad cabbi doontaa.

13. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan ku dhaartay nafsaddayda inay Bosraah noqon doonto cidla, iyo cay, iyo burbur, iyo inkaar, oo magaalooyinkeeda oo dhammuna weligoodba cidla bay ahaan doonaan.

14. War baan xagga Rabbiga ka maqlay, oo quruumahana waxaa loo dhex diray wargeeys leh, Isa soo wada urursada, oo iyada ku soo duula, oo dagaalka u soo kaca.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 49